Gabay amaan dumar

Gabaygaan ama geeraarkan waxaa tiriyay abwaaan heersare  waxuuna ku bilaabanayaaa sida tan:-
Joogaaga dheer iyo,
Xibnahaaga jalaqsani,
Jalleecada kalgacalka leh,
Jaahaaga quruxda leh, 

Timahaagan jiifee,
Miskahaaga joogiyo,
Dhexdan taako lagu jaray,
Jirkaagaan xariirta ah, 

Jaad samida codkaagiyo,
Qosolkaaga jilicsani, 

Jaanqaadka socodkiyo,
Jiijiidka laafyaha,
Kama jeesan karayoo,
Waan kugu jidboodee, 

Wax i jiidanaayoo,
Qalbigayga jiira baa,
Kugu jiro jamaal badan, 

Jooharad miyaa tahay,
Misa jawhar luulkiyo,
Dheeman dahab lasoo jaray, 

Jamaad gacanta ii dhiib,
Jannadii aduunkiyo,
Beeraha jacaylkana,
Farxad igula soo joog,



------------------‐------
AbwaNku waxa uu si kal iyo laab ah ugu amaanay gabar soomaaliyeee waliba uu tin iyo cirib ku amaaanay amaaan midda ugu sareeyso waxaan dhihi karnaaa geeraarkan waxaa uu mudan yahay in aad la wadaaagta saxibtaaa oo aaan ifka ugu jeceshahay 😍 
.......Mahadsanidiin.......

Qoraaa; Abdirashid Ahmed Hussein 
Website GAbay side



Comments