Gabay qiimaha macalinka

 

Gabay mahad cilin macalimiinta somaliyeed

Geeraarkan ama tixdan waxaan uu tala galay in loogu mahad ciliyo dhammaan macalimiinta soomaaliyeed oo ay artayda kasoo jeediyaa taabuurrada, xafladaha qalinjinta ardayda iyo meelwaliba oo mudan in macalimiinta loogu mahadciliyo, waxeyna ku bilaabaneysaa sida tan:- 

  • Dhamaan marti sharafta iyo 
  • Masuuliintiyo ardayda 
  • Salaam baan marilahaa
  • -------------------------------------
  • Midqaas ah oo siimacaan
  • Macalimiinteyda wacan
  • Ayaan marlabaad ku oran
  • -------------------------------------
  • Macaan malab baa iskaleh
  • Madoow mugdi baa iskaleh
  • Mariid bahal baa iskaleh
  • Muhiimadda hadalku waa
  • Macalin baa mudan abaal
  • -------------------------------------
  • Midnima doowlad baa iskaleh
  •  Magool geed baa iskaleh
  • Meher naag baa iskaleh
  • Muhiimadda hadalku waa
  •  Macalin baa mudan abaal
  • -------------------------------------
  • Macalimiin teydiyoow
  • Jahligaad naga maanacdeen
  • Cilmigaad noo meeriseen
  • Abaal baad mudan tahini
  • -------------------------------------
  • Macalinmiinteydiyoow
  • Madooyin kaad noo dhigteen
  • Duruustaad meeriseen
  • Maashaa alle idinku
  • Abaal baad mudan tahiin

------------------------------------------------------------------

 

Geeraar Casharka iyo muhiimadda macalinka


Geeraarka ama tixdan gabayga ah waxaan ugu taala in lagu muujiyo muhiimadda macalinka u leeyahay waxbarashda ardayda iyo in aan marnaba jirin wax buuxi kara kaalinta macalinka sodoo kale waxaan ku cabiray sida uu casharka noqonayo haddii aanu macalin uu dhigin, waxeyna ku bilaabaneysaa sida tan:-

  • Muhiimadda macalinkiyo
  • In aan laga maarmi karin
  • Ayaan kuu muujin ee
  • Bal maqal oo dhagaha furo
  • -------------------------
  • Iinsiga kii ugu mudnaa
  • Muxamed nabigeena sare (scw)
  • Ilaahay maalig baa
  • Jabriil uga dhigay mucallim
  • -------------------------
  • Milgaha  hadalku waa
  • Cashar aan mucalim dhigin
  • Waxaan ku matali lahaa
  • Mugdi aan toosh la’heen
  • Muhiim ay tahay wadada
  • Qof marayana aan la arag
  • -------------------------
  • Cashar aan mucalim dhigin
  • Waxaan kumatali lahaa
  • Dacar aan dhuunta marin
  • Misane laga maarmi karin
  • -------------------------
  • Cashar aan mucalim dhigin
  • Waxaan kumali lahaa
  • Malab aan cabis laheyn
  • Haddana kuu muuqda oo
  • Indhuhu ay milicsadaan
  • -------------------------
  • Cashar aan mucalim dhigin
  • Waa miro aan cunis laheen
  • Waa bidax aan midig laheyn
  • Waa moora aan irid laheyn 
  • -------------------------
  • Cashar aan mucalin dhigin
  • Miisaal uma heli karee
  • Waxaan kumatali lahaa
  • Maqaasiin fura laheen
  • -------------------------
  • Maansada waan koobayaa
  • Muhiimadda hadalku waa
  • Mucalim in uu yahay marnaba
  • Wax aan laga maarmi karin.

--------------------------------------------------------------------

ΓΌ

Gabay Duca macalimiinta soomaliyeed

Geeraankan ama tixdan gabayga ah waxaan ugu tala galay dhamman macalimiinta soomaaliyeed in loogu duceeyo, ardayduna kasoo jeediyaan taabuurrada, xafladaha qalin jabinta ardayda iyo meelwaliba oo oo mudan in macalimiinta loogu duceeyo, waxeyna ku bilaabaneysaa sida tan:-

  • Dhamaan marti sharafta iyo
  • Masuuliintiyo ardayda
  • Salaam baan marilahaa
  • -------------------------
  • Midqaas ah oo siimacaan
  • Macalimiinteyda wacan
  • Ayaan marlabaad ku oran
  • -------------------------
  • Macalimiin teydiyoow
  • Dhibkaad nala soo marteen
  • Abaalkiin lama magikaree
  •  Ducaan idiin marinayaa
  • Mowlaha ha’idiin aqbalo
  • -------------------------
  • Allahayoow maaligoow
  • Macalimiinteyda wacan
  • Dunida meesheey tagaan
  • Rabbiyoow magantaada yeel
  • -------------------------
  • Allahayoow maaligoow
  • Muraadkoodii u sahay
  • Masiibooyinka dhacane
  • Rabbow dhinacooda mari
  • -------------------------
  • Waqtiga wuu meerayaa
  • Nafluhu waa meyd sodee
  • Haddii aad maquunsatana
  • Raboow magantaada gili
  • -------------------------
  • Allahayoow maaligoow
  • Qabriga meel nuur leh oo
  •  Ku makh suudaan Kayeel
  • Su’aasha malaa’igtiyo iyo
  • Siraadkana miriq kumara
  • Raboow kumac suum jannada
  • Miciyadii nabiga(SCW) iyo
  • Macal mursaliin kayeel
  • …..Aamiiin aamiiin……… 

 ------------------------------------------------------------------

------------------------------------------------------------------

Qoraa: Abdirashid Ahmed Hussein 

;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;

Comments