Abwaan Jaamac kadiye
1. Suugaan haddaad tiriyey soo gabay sameyneyso
2. Iska seyri ma'ahoo ku doon saa anaa iriye
3. Sowdka iyo hadalkaaga waa in ay sugnaadaane
4. Sumcaddaada kii burinayee cudur sameynaayo
5. Waa in aad suntiyo laaxinkiyo suruqda diidaaye
6. Hadhoow midaan lagaa siisaneyn hausadiidiyine
7. Waxii sababay waa in aad tilmaan sugan ku sheegtaayeee
8. Suaashana jawaabteeda waa in aad sifeysaaye
9. Sowdiyo siifta saantiyo lafaha amasa saableydu
10. Sidey kala yahiin waa in aad sahal ku dhaaftaaye
11. Ilaahey sujuudiisa waa in aadan sii deyn
12. Waa inu magaca soomaaliyihi kula sarreeyaahe
13. Dadkani waa sokeeyee haddii aad sowsow garanweyda
14. Waa in aad iskaba saamaxdaa aad u samirtaaye
15. Abwaan seexday suugaan yaqaan seegay marinkiisu
16. Markey suruqda xaajadu ninkii qariya sowdkiisa
17. Samatalis ninkii aan u noqon danaha soomaali
18. Sah qabow ayaantuu arkana sacab ku taageeray
19. Sambuusihii laga aadamay buu la siiryahayeee
20. Hadiise uu samaan xuni dhacoo siiga iyo qiiq leh
21. Uu maalku kaawada sugmay ee aad seexan kariweysay
22. Dadkoo silicsan noloshoo siloon oo la saxariiray
23. Waxii suunka xoolaha harayo caata soco waayo
24. Dhulkoo saxarleh sama xaaluftoyoo siir ka bixiwaayay
25. Sacabada wax loo dhiganayaa saqigi weynaaye
26. Wax ilaahey laga saadsadaa sana barwaaqaade ee
27. Cirkoo seeman samadaan daruur meelna laga saarin
28. Dirirkii sagaal iyo haddey deydo saranseerto
29. Seermaweyda loo baahday iyo sagalkiyoo raacay
30. Subax kala hadduu muujiyoo sugul madow yeesho
31. Waxaad sara u eegtaba hadduu saa ku di'iwaayo
32. Sacabada wax loo dhiganayaa saqigi weynaaye
33. Wax ilaahey laga saadsadaa in uu siiyaahee
34. Saxal iyo bukaan raagay oo siibay hilibkaagi
35. Saantiyo laftoo kugu dhagayoo salayo aad moodo
36. Haddaad sarara waaweyn laheyd adiga oo suuqmay
37. Seyniskiyo wadaadkii sariyo suxufiigii faalku
38. Waxkastey sameeyaan haddi lagu sanceey waayo
39. Sacabada wax loo dhiganayaa saqi weynaaye
40. Waxaa ilaahey laga saadsadaa caafimaad suganee
41. Saacida eebbiyo haddaad guur u salab qaado
42. Haddii gabar suleeqa ah ilaahey gacanta kuu saaro
43. Saldhig fiican iyo reer haddii saba ku xooleyso
44. Si degdeg ah in ay wax u dhashaa loo sed tiriyaahe
45. Salfudeyd hadduu kugu dhacaad, aad u sugiweydo
46. Sacabada wax loo dhiganayaa saqigi weynaaye
47. Waxaa ilaahey laga saadsadaa sabiyo qeyraadee
48. Sulufaad colaad ah iyo sagaal sifadii hoog leh
49. Sumacoo la niishaamay iyo saanad ololeysa
50. Safsaf leesu weerara hayiyoo sulufi go'onaaya
51. Sokooya iyo xidid leeysu dilay amasa saaxibo
52. Waxkastaad sameysaba haddey nabaddu seerowdo
53. Sacabada wax loo dhiganayaa saqigi weynaaye
54. Waxaa ilaahey laga saadsadaa in ay samaataayee
55. Gobannimadu waa waxan lasiin saan madoobahaye
56. Sinjigaa afrikaankeynu nahay waa siloonyahaye
57. Haddaan laga sarreyn dowladnimo sugan magaaraane
58. Igaa lasoofeynayaa leysna surayaaye
59. Saraakiil haddii laga dhigoo loo sandala dhiibo
60. Safaad bey ku eedaamayaan malaha siiraace
61. Malahey sabahan bey dhasheen oo waxbaa si ahe
62. Marse haddii sharciba laga sabroo xeerba soconwaayo
63. Sawirkaba haddii aad weydid iyo calankiyoo saaran
64. Sacabada wax loo dhiganayaa saqigi weynaaye
65. Waxaa ilaahey laga saadsadaa maamul saalixa eee
66. Waxaanse suurta gal aheyn haddii aan yarahe saafsaafo
67. Sideed baarqab oo geel ku jira oo lawada saantay
68. Oo dhabida wada seyrayoo micida soofeystay
69. Midba inuu sarreeyo kankale sababa doonaayo
70. Oo aan lakala soocinoo xera kusoo horyday
71. Marna dhaqanka soomaaliyeed kuma saleysneene
72. Waxaa siday sabaan aakhirkan. oo waad lasocotaane
73. Sodon qoys soon wada dagaa seera kala oodin
74. Aan midabku kala soocminoo diini kala saarin
75. Sinjiyo absowd iyo aqoon sowrac iyo xaajo
76. Iyo magacba siman oo dhammaan tol iyo saaxiib ah
77. In siyaasad lagu qeybi'iyo sixir ku iidaamay
78. Oo uu saqiirkiyo illaa seyn caduhu waasho
79. Marna dhaqanka soomaaliyeed kuma saleysneene
80. Waxaa siday sabaan aakhirkan oo waad lasocotaanee
81. Dad siyaasi wada sheegtay iyo suxufiyiin miiran
82. Sargaalnimana wada doona'iyo sado in loo dhiibo
83. Sagaal taliyo madaxweynayaal saami kala yeesha
84. Sandulana kuwada doonayaan seeja lagu dooran
85. Oo suruc qabiil iyo watiyo damac ku seynsaaban
86. Marna dhaqanka soomaaliyeed kuma saleysneene
87. Waxaa siday sabaan aakhirkan oo waad lasocotaanee
88. Sawsawgeena aadmigu ka yaab oo la sixiwaaye
89. Haddii sinnaan wax lagu qeybsadoo leysku saaweeyo
90. Sarrifkiyo dhaqaalaha haddii meel lawada saaro
91. Oo aan sumuni dheeri'iyo saaid ka raacin
92. Qofba saamigii uu helay haddii aan laga sagsaageynin
93. Ummaddeeni saxal baa ku dhacay siibay dhaqankiiye
94. Sabaalada xaqsoorkiyo wacdigu solibamaaye
95. Seddexdiiba laba ruux intaa weysanqanayaane
96. Sharci sugan haddaan loo sameyn laguna seeteeyo
97. Sanca kalaba waa been in ay saani noqotaayeeee
98. Surbacaadin mooyiye dantii loo saburiwaaye
99. Sad bursiimo kaliyaa dhaha loo sallaxayaaye
100. Siyaadaa lawada doonayaa siiya reer hebale
101. Sidiq samada yaallaan arlada wali lasoosaarin
102. Sacabadana aan cidi ku hayn leyskuwada seegye
103. Sandalada ilaaah baa baxshoo siiya aadmigaye
104. Sajac aa ladoortiyo kursigu qolo masooraane
105. Hebal baa sarreynta leh maxaa loogu wada suuxay

https://youtu.be/w-WTEXk3WVg?si=MoNnA6tro6HsiiRG
Comments
Post a Comment