Geeraar jaceyl soo jiidasho leh

 Geeraar jaceyl soo jiidasho leh oo gaaban

Gabaygaan waa gabay jaceyl ak oo tilmaamayo in abwaanku uu hamuun weyn uqabo gabadha uu jecel yahay oo sawiranaayo wanaagga gabadhaas ay leedahay waxa uuna ku bilaabay sida tan:-

  • Maxaad iga dhex heestoo, 
  • Ruuxii dhaqaaqaba,
  • Dhooley ku moodoo,
  • Dhinicii an eegaba,
  • Dhabtii ii sawirantoo,
  • Dhac iyiri wadnuhuyoo,
  •  
  • Dhegahayga maqalkana,
  • Dhegeysteen codkaagoo,
  • Dhambaal haatuf ii sido,
  • Malahayga soo dhacay,
  •  
  • Dhuuxiyo lafaha iyo,
  • Dhabti waxaad ku sugan tahay,
  • Dhammaan unugyadaydoo,
  • Dhagdhagtii wadnaha iyo,
  • Dhaqaaqii jirkaa tahay,
  • Socdaalkayga dhiigiyo,
  • Malab dhuunta marayoo,
  • I dhex qaadayaa tahay,
  •  
  • Dhaayaha u rooneey
  • Allow yaa ku dhowrtoo
  • Meher kugu dhacsiiyoo
  • Marwo dhab ah unqotaa
  • Arooskana markuu dhaco
  • Yaa dhabtaada seexdoo,
  • Dhoola kaqosol-kaagiyo,
  • Dhaayaha kalgacalka leh,
  • Indhahaaga dhowrtoo,
  • Ka bogsoodo dhaawaca,
  • Caashaqaagu igu dhigay,
  • Dharaarradi cidlada ee,
  • Xiisaha ku dheehnaa,
  •  
  • Dhabanaha qurxoon iyo,
  • Bishimahaaga dheeha leh,
  • Yaa kaa dhunkado oo,
  • Dhexda kaaga duubmoo,
  • Sida toobin kugu dhago
  • Dhadhankaaga muudsado,
  • Kula dheelo qalanjooy 



 

qoraa: gabay side

Comments