WAXTARKA DHIRTA GABAY

 

Gabay waxtarka dhirta Abwaan AHMED NOR GAMAJE


 

Gabaygan oo uu tiriyey Axmed-Nuur Gamaje waxa uu ka hadlayaa dhirta

waddankan ka baxda nooc yadeeda badan iyo manaafiicdooda aan la koobi karin.

Axmed umay suuro gelin in uu dhir wixii waddankeenna ka baxa oo dhan ku

koobo gabaygiisa, isaga oo dhawraya habka gabaygiisu u dhigan yahay, hase

yeeshae tuducyadan gabaygiisu ka kooban yahay inta ay koobi karayeen wax kamuu

dhaafin. Waxa uuna gabaygiisii ku yiri:

1. Waxaan idin muhiibsiinayaa, geedo magacoode,

2. Maqla qaar manaafiic leh oo, miidhan baa jira e,

3. Midhaa darayga iyo tiinku waa, muunad goonniyahe

4. Yicib madaxle waa maar haddii, meel aad dhigataaye,

5. Garaska mooyayaashale ninkii, miiggan baa garane,

6. Midhayo gaaban mudhe muud dhanaan, wacari iisaanle,

7. Masaalkeeda caashacada dhebi, iyo madheedhkaa cas,

8. Gommosh maararoowliyo hohobif waa manfaco weyn,

9. Gob macaan daboobays marxala, midhamddow toosan,

10. Minyartii ja eelo iyo-kordhise, iyo magaca geedsaarka,

11. Intaas waa wixii miro leh iyo, maakin lagu dhaafooye,

12. Gun ballaar mar lagu oon bixiyo, madaxyarow goonka,

13. Cillal meel ku yaal Dhagax lehiyo, magac Karaydhooyin,

14. Marraag-xadhigan go'in coodan baa, laga maleegaaye,

15. Waa magac-ka-kow gocoso iyo jamarri muuqdaaye,

16. Meelbuu ka foocaa likuu, milay kaliileede,

17. Mar dambuu tamaayuluq noqdaa, madaxi aasnaaye.

18. Midab cad waarikeed waa dundumo, wuxuu ka muuqdaayet

19. Barrashku hoosta waa mana korkana, muuqa kala dheere,

20. Marooriyo xangeeyiyo cambuul, mayay gu'soo saaray,


gabaygaan waxaa lagu dhigtaa galaaska 4aad ee dugsiga sare waana gabay aad u muhiim ah 


qoraa: Gabay side

Comments