Waxaan gabay nafteydi
Waxaan gooyay dheefti
Waxaan galay mahiigaan
Gufaacooyin muruga ah
Goob aay ku hooreen
Waxa aan gargaar saday
Good iyo Abeesoo
Waxaan guudka saartay
Halaq marada ii galay
Jaceyl gaaxday aawgii
Waataan u Golan golay
Adna garashadaadi
Iima aadan garaabin
Anigana go,aankeygi
Kama gaabinine
Waan ku gooni baara
Adna geesi hiilo
Gogol caashaq ii dhiga
Guri muxibo ii bila
Guulle kaama yeeline
Galab iyo aroornimo
Gambal dhacay iyo waabari
Ilmadeyda goba,liyo
Inaan gaar u,ooyo
Guushaada weeyaan
Waad igu gumowde
Gayigaad ka dhalatiyo
Heybtaada gaarka ah
Malaheyn gafkaage
Nooc gooniya tahay
Nin ay gabar jeclaato
Naxariis uu galo iyo
Garan waayay maamus
Dabadeed ka gaabsaday
Gunimu tirsanayoo
Xeerki gobtu jaray
Intey talo guracan tahay
Geed dheerna suran tahy
Kalgaceylku guran yahay
Ane aan gunuunoco
Gabadhaha soolaga baran in ay geeraar ku caacalaan lakin haddii ay calaacal la yimaadaan ragga somaliyeed waa kuwo nafta u hura oo xataa naftooda ka hormariyo dhaqanka somaliyeedna waa mid meel adag ka istaagay ixtiraamka iyo xumeynta dumarka . Diinta islaanka ka hor dadka somaliyeed dhaqamadooda lagama soo helayo mee dumar lagu xumeeyay marwaliba waa la ixtiraamaa guud ahaan dumarka, malimiinta, aqoonyahannada iyo dhammaan waxa ay somalida u taqaanno birimageydo (BIRIMAGEYDO waxaa dadka aan la dilin lana dhibaateyn haddii uu dhaca dagaaalka leysku hoobta xataa haddii ag kasoo jeedaan beesha ama reerka kula dagaalamaayo.)
Qoraaa QALBI SHAAFI
Comments
Post a Comment