Shirib
Sh.eikh Xasan Calasaw/ sheikh Hassan Alasow
Shiribku waxa uu ka mid yahay qaybta tixda ama suugaanta afka Soomaaliga ,gaar
ahaan laanta maansada oo ah laamaha maansada Soomaaliyeed tan ugu baaxadda
weyn.
Shiribku waxa uu u kala baxaa qaybo kala duwan ,waxa uuna sida badan xambaarsan
yahay oo lagu gudbiyaa murti iyo xigmado faro badan oo ka hadleysa qaybaha
nolosha bulshada .
Shiribku waxa uu ka mid yahay suugaanta laga isticmaalo koonfurta dalka
Soomaaliya, gaar ahaan qeyba ka mid ah gobalka mudug ila laga gaaraayo halka ugu
dambeysa koofurta dalka,waxa uuna leeyahay magacyo kala duwan,sida
shirib,shurub,weerar,shir iwm.
Shiribku waxa uu leeyahay hab iyo hannaan loo lebisto marka la doonaayo in lagu soo
bandhigo munaasabadaha waa weyn ,waxaana ka mid ah hannaankaas lebis qurux
badan oo lagu lebisto dharka hiddaha iyo dhaqanka, gaashaamon xardhan,warmo
bilcsan,iyo hannaan qurux badan oo ay isula jaan qaadayaan barbaarta gaashaaman ee shirbeysa habka loo soo bandhigo waa in uusan noqon mid aanan waafaqsaneyn
qiyamka Islaamka maadaama aan nahay dad Muslim ah.
Tixdaan shiribka ahi waxa ay noo tilmaameysa aqoon iyo waaya aragnimo qota dheer
ee laashinku u leeyahay miisaanka wax lagu qiimeeyo, waxa uuna Sheekhu tuxdaan
kooban ku cabiraayaa dareenkiisa ku aadan qofku waxa uu qiimo ku yeelan karo,
waxa uuna yiri:
1. Afar walxaad alif ku taal * Afar kale eey u egyihiin(fure )
2. Insaanka kaan Alle aqoon * Ibliiska weysu egyihiin.
3. Ardayga kaan aqoon laheyn * Ummiga weysu egyihiin.
4. Idaaro aan la aamiineeyn * Abeeso weysu egyihiin.
5. Ummadan aayatiin aqoon * Ilmuhuu weysu egyihiin.
6. Intaas nimaan ogaan kareyn * Ummad wax u anficimaa.(nikax)
Maahmaahaha
- Aqoon la,aani waa iftiin la,aan.
- Aqoontu waa irmaan aan kaa gurin.
- Ilbaxnimada dunida aqoon baa u indhaah
qoraa: Gabay side
xaggan hoose ka hel gabayo kale
Comments
Post a Comment